Reysulwasaare Cumar Cabdirashiid oo Xaley Kulan La Qaatey Hey’adaha Amniga Qaranka

0
56

SharmarkeRa’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay wasiirada Amniga gudaha, Gaaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada Nabad sugidda Qaranka iyo Booliska, guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee gobolka banaadir iyo saraakiil kale.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha ciidamada Booliska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Wasiirka amiga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa isna Ra’iisul wasaaraha u sheegay in kooxaha weerarka ku soo qaaday Hotelka Siyaad ay tiradoodu gaareysay shan nin oo ay gebi ahaanba ay ciidamadu toogasho ku dileen, marka laga reebo kuwa isku qarxiyay ilinka hore ee hotelka.

Wasiirka aminiga ayaa sidoo kale waxaa uu ka warbiyey qaabka uu u dhacay weerarka iyo inta ruux ee soo weerarta hotelada wasiirka ayaa sheegey in hottl wehliye ay soo weerartey 7 ka tirsan ciidanka alshabab halka hottel siyaad ay ahaayeen 5 ruux