Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in xabsiyo ku yaallo Gobolada Baay iyo Bakool deeganada ay ka maamulaan ay kasii daayeen maxaabiis badan oo loo haystay dambiyo kala duwan.
Guddoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan Gobolada Baay iyo Bakool Sheekh Macalin Geedoow, ayaa u sheegay Warbaahinta ku hadasha Afka Shabaab in Xabsiyada Baay iyo Bakool dadkaasi laga siidaayay.
Wuxuu sheegay Degmada Diinsoor oo Gobolka Baay ka tirsan in Maxaabiis badan laga sii daayay si Maxaabiistaasi Eheladooda maalinta ciida ay ula farxaan oo ay u ciidaan.
Sanad waliba gaba gabada Bisha Ramadaan ayeey Shabaabka cafis u fidiyaan maxaabiista eedeymahooda ay fudud yihiin ee ku jira xabsiyada Shabaabka ay maamulaan.