Baidoanews Waa Barta Beenta Iyo Boro-bogaandada Shariif Sakiin!

13
52

Warbaahinta waa bar loogu tala galay in dadweynaha kala socdaan wixii xaqiiqa ah ee jira ama horey u dhacay iney ka dalacdaan.

Sidoo kale Warbaahinta waxaa ka mamnuuc ah ama ceeb ku ah in runta ay ka fogaato kuna sifowdo jahwareerinta mujtamaca daalacanaya, u rarta meelaan runba u dhoweyn.

Hadaba aqristow maxaa ku kalifay Baidoanews in had iyo jeer ay warar been abuur ah ka qorto Aqoonyahan Dr. Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) oo iminka ah Wasiirka Maaliyada.

Waxaad ogaan kartaa markaan idin xasuusiyo Jalafooyinka iyo Hagardamada uu u qabo Aqoonyahanka Koonfur Galbeed Milkiilaha Baidoanews Fu’aad Sheekh Mad Abuukur iyo waxaa ku kalifey.

Fu’aad markuu Qub, Qalac, Qariska Tuur iyo Isbiimeyn uu ku yimid Wadanka Taliyaaniga oo uu moodayay iney Lacagi Wadooyinka Yurub iska buuxdo, Waaga ayaa ku baryay markuu waayay qof (S/C) yiraahda wuxuu u shalayay maxaa kasoo wadey Baraakadii Sheekh Mad Abuukar.

Fu’aad ugu horeynba Fahad ayuu Magaciisa u bedeley si Nolosha cusub Magac cusub iney anfaceyso layiri oo kale.

Waxaa kaloo Fahad go’aan ku gaarey si kastoo lacag uu ku heli karro inuu ku raadiyo, Aqoonta ugu dhow uu lahaa waxay ahayd mid muddo gaaban Radio Warsan oo Baydhaba ka shaqeeya kasoo kasbadey, hadaba midaasi ayuu go’aansadey iney yaambadiisa lacag raadinta ah ku howlgallo.

Fu’aad waa Tifaftire hal Bog isla Maalin qura qof keliya ku Caayay kuna Amaaney magaran karro in qof qayb Jirkiisa kamid ah Xaraaniyo Xalaal loo kala qaybin karro weliba isla waqti isla maalin. marka laga reebo. Arinka Fu’aad oo Ah Afkaan Kugu Caayay Wuu Igu Yaala Ee Iska Kay Garo.

Lama soo koobi karo kaganacsiga Warbaahinta guracan ee Baidoanews iyo milkiilaheeda cadeystey Cayda iyo Baabi’inta Sharafka Aqoonyahanka Koonfur Galbeed.

Iyadoo aanan meel kaleba idin abaareynin qoraalkii Beenta Xanbaarsanaa uu maanta ka sheegay Wasiir Dr. Maxamed Aadan Farkeeti ee ciwaankiisu ahaa: (Wasiirka Maaliyada oo Awood dhaqaalo Gabar Caruur ah u adeegsaday guurkeeda). Waa arin Yaqyaqsi leh kana Fog Xaqiiqda iyo wadadii loogu talagalay Suxufiga iyo Saxaafada.

Wasiir Dr. Maxamed Farkeeti oo ah Aqoonyahan isku darsaday Aqoon Diineed iyo Mid Maadi, Allana ka dhigay Akhiyaar in lagu daydo mudan, bal kawaran qofkii ihaanadaasi u geystey iyo rabitaankiisa waxa uu yahay.

Ugu Danbeyn waxaa jirta Maahmaah caan ah oo oraneysa, SEDKAA HELAASE SIHUNG WAL INGKY WEYDIIDOY.!

Waa Iga Digniinee Fahadow Iska Daa Beenta Aad Had Iyo Jeer Caadiyaysatay.

Mida Kale Waa Inaad Cudur Daar Ka Bixisaa Fahadow Been Abuurka Aad Ka Sameysay Wasiir Dr. Maxamed Aadan (Farkeeti) oo Aan Ognahay Halka Aad Kala Dagaalsan tahay.

Hadii Lagaa Waayo Raali Gelin, Anagana Waxaa Soo Bandhigi Doonaa Shakhsiyaadka Iyo Qorshaha Ka Danbeeya Inaad Maalin Walba Been iyo Boro-bogaando Aan Jirin Ka Sameyso Aqoonyahan Dr. Maxamed Aadan Farkeeti.

13 COMMENTS

  1. Daafeet.com iyo ishabaydhaba waad ku mahadsantihiin sida kartida leh ee aad runta ugu sheegteen Qowsaarka Baidoanews. Rabi Ajar iyo Xasanaad ha idinka siiyo.

  2. Awalaba Cunug aqoon iyo waayo aragnimo lahayn ayuu ahaa Fuad oo labaxay fahad talyaanigana waan isla joognay waan aqaanaa Fuad Qaabka uu uga tacaalo Webisteka Halka Qabiil lagu faaniyo oo xaqiiqdana kafog Marka waxaan leeyahay Fuad yaysan kuqaadin Aqoondarida kuhaysata ee isku xishaw.

  3. Waan ognahay Xaqiraada uu Sameeyo Fuad Beenaale oo war been ah kusoo qoro Pagekiisa Baidoanews oo Dadka sii nacayaan, Haduusan daynin wararka been abuurka ah waxaan kaqaadi doonaa talaabo waafaqsan sharciga Fuad Hadaan nahay Golaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeet waxaan udigaynaa Fuad waxaana leenahay kafiirso wararka beenta ah uu hunguriga iyo xairaada kugu kaliftay.

  4. siyaasiyiinta aflagda halaga daayo xitaa sh sakiin mucarad ku tihiin idinka DAAAFEET ka daayo farkeeto waxo mudan yahay in la amaano oo la aflagadeyn waa wasir qaran

  5. asc nin imanka ka baxhay waayey haduu gursado maxaa ka galay asiga maa la gursanlahaa waa qof damiir lahayn waaye sakiin ula tag ku dhex waxaas asiga ayaa u baahan beenta iyo bar baqantada iyo Laa lushka uga qadanaysa umada ha kaa nadgasho ayaan ku leeyahay baydhabonews bartabeenta badan

  6. waxaan la hadlayaa qofka iska lex webka beenta badan baydhabanews waa duli aan damiir lahen wayey asiga iyo inta daba socotaba lacagta maa asiga is ka lex ama asiga ayaa laguursadaana sxb waxa is ku la her dadaka amaan sii
    sheqayso nadaamka adiga waxa ku radinaysid waa qaab xaraan waaye bahi hadii ku hayso zekada soonka waydiiso si toos ah

  7. asc asxaabta baidoanews
    com maxishooto miyaa iyada maxamad aadan farkeeti waa ileys usoo baxay umada somaliyeed gaar ahaan digil iyo mirifle marka dadka aa jeceshihiin waa kuwa u adeega sakiin haduu wadi noqday farkeeti maa la aflagaadeyn isku xishooda

  8. Iswaansada wax isu sheega ee ha is caayina rer k/galbeed dhamaantii is walaalsidaa is wacDi yaa mid hadii qaldama mid kale hawaaniyo caayada waa xaraam

  9. K/galbeed hais karaahsanina oo is aruursada iswaaniya oo is wacdiya is walaashada allyow mey lindilii hadal mee

Comments are closed.