Ciidan Taabacsan Dowlada Federalka iyo Alshabab oo Shaley ku Dagaalamey Duleedka magalada Baydhaba

0
41

Dagaal qasaaro dhaliyey ayaa shaley gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay duleedka magalada baydhaba, Dagaalkaas oo u dhexeeyey ciidamada alshabab iyo ciidamo taabacsan xukuumada federalka.

Inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa dagaalkan ku dhintey 7 ruux halka dhaawaca la sheegayo uu gaarsiisan yahay ilaa iyo 11 ruux oo labii dhinac ee meesha ku dagaalamey.

Dagaalkan oo shalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kulmis oo ku yaalla meel ku dhow degmada Baydhabo ayaa waxaa dadka ku dhintay la sheegay in afar ka mid ah ay ahaayeen Al-shabaab, halka labada kalena ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidammada xoogga dalka.

Caddoow Jimcaale oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in Al-shabaab ay soo weerartay saldhig ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Kulmis oo 8-km u jira degmada Baydhaba, ayna ku dileen qaar ka mid ah xoogaggii soo weeraray.

Dhanka kale, Salaad Madeey oo ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Kulmis ayaa u sheegay in deegaankooda uu ka dhacay dagaal socday muddo saacado ah, kaasoo la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.