Kulan uga Socda Magalada Garoowe Xukuumada Federalka iyo Maamulada Puntland iyo Raskambooni oo Weli La Isku Mari la,yahay

0
57

Wada hadalado u dhexeeya  dowlada federalka somaliya iyo maamul goboleedka puntland iyo raskambooni ayaa maalmahan ka socda Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wararka inaga soo gaaraya Xarunta uu shirka ka soconayo ayaa sheegaya ayaa in Ra’isal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake rabo inuu ku qanciyo  Maamulada Puntland iyo maamulka Axmed Madoobe Jubbaland in ay taageeraan Maamulka Galmudug ee dhawaan lagu dhisay Magaalada Cadaado.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale labada Guddi ee dhawaan ansixiyen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kala ah Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga Xuduudaha.

Maamulka Puntland ayaa si adag kaga soo horjeeda Maamulka lagu dhisay Magaalada Cadaado ee Galmudug, waxana Maamulka Jubba isna uu si adag kaga soo horjeedaa Siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo guddiyada ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.