Booliska dalka Ingiriiska ayaa ishortaagay laba gabdhood oo doonayay in loo safriyo Soomaaliya, kadib markii haweeney lagu magacaabo Lady Tonge ay Booliska ku wargelisay in gabdhaha loo wado in lasoo gudo.
Gabdhaha oo da’doodu lagu sheegay 11-17, waxaa la socday qaar ka tirsan waalidiintood, waxeyna doonayeen 11-kii bishan inay u duulaan magaalada Addis Ababa, halkaas oo la sheegay inay ugu sii gudbi rabeen Soomaaliya.
Waxaa socda baaritaan la xiriira arrinkan.
Gudniinka ayaa mamnuuc ka ah dalka Ingiriiska, qofkii lagu helana wuxuu muteysan karaa xabsi.
Sidoo kale Booliska dalka Ingiriiska ayaa baaraya ilaa 50 gabdhood oo la sheegay in dalka Ingiriiska laga kaxeeyay, islamarkaana loo waday Soomaaliya si loosoo gudo.