Mudane Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) waa siyaasi Soomaali Australiyan ah, dhashay 2-dii July 1964. Wuxuu Shahaadada loo yaqaano MBA ka qaatay Jaamacadda Culuumta ee Malaysia sanadkii 1996. Mr. Farkeeti waxuu ka soo jeedaa gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaaliya.
Afar sano ka dib markii uu dhamaystay Jaamacadda Malaysia; waxaa u sahlanaatay in uu Austrlia dego si uu halkaas ugu shaqaysto. Wuxuu nasiib u helay in uu ka mid noqdo Mas’uuliyiinta mid ka mid ah Shirkadaha waa waayn ee ka shaqeeya guryaynta, miisaaniyadooduna gaadhayso $750 Million taas oo maamulaysay 5000 oo guryo ah. Ka dib markii la garwaaqsaday hawl karnimadiisa iyo daacadnimadiisa waxaa Madax looga dhigay shirkad loo yaqaano Camburland oo guryaynta ka shaqayso taas oo ka miisaaniyad badneed tii hore. Wuxuuna CEO ama Madaxa fulinta ka ahaa shirkadaan muddo afar sano ah.
Mudane Farkeeti wuxuu sanadkii 2012-kii ka mid noqday guddigii xulista ergadii 850-ka ahayd ee ansaxisay Dastuurka KMG ah ee hadda lagu shaqeeyo iyo Xildhibaannada Qaranka ee hadda shaqeeya isagoo kaalin firfircoon ka qaatay hawsha soo xulista. Sidoo kale waxuu door fiican ka cayaaray Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Eldoret oo lagu soo dhisay Dowladii Cabdulaahi Yusuf isagoo ka mid ahaa labada guddi ee guddiga tarjumaadda iyo kan xiriirka arrimaha dibadda.
Ka mid ahaanshihiisa guddiyadaan ayaa sabab u noqotay in siyaasadda iyo qadiyadda deegaannada uu ka soo jeedo ay wax badan iska bedalaan –(Qayabaha hoose ayaan ku faahfaahin doonaa arrintaan)!
Hadaba, 14 Febraayo, 2105 Mudane Maxamed Farkeeti waxuu nasiib u helay in uu ka mid noqdo golaha wasiirada ee xukuumadda hadda dhisan oo uu hogaamiyo Mudane Cabdirashiid Cumar Cali Sharmarke isagoo Wasiir ka noqday Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Muddo 5 bilood gudahood Mudane Farkeeti waxuu wax wayn ka bedelay habsami u socodka Shaqada Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaanba qaab-dhismeedka iyo siyaasadda ay ku shaqayso Wasaaradda.
Qodobada ugu muhiimsan ee la xusi karo waxaa ka mid ah:
1. Maamulka Hufnaant Maaliyadda:
Wuxuu ku soo kordhiyay Wasaaradda Maaliyadda nidaam casri ah oo lagu maamulo kharash bixinta iyo dakhli qabashada Dowladda oo aan horay u jirin taas oo horseed u noqotay in Deeq-bixiyaasha Caalamka ay kalsooni buuxda siyaan sida ay hadda u shaqayso Wasaaradda Maaliyadda. Nidaamkaan wuxuu amrayaa in dhammaan wasaaradaha Dowladda ay dalabkooda vocherada ay ka dhigaan mid Compurterized ah oo shafaafiyad badan leh oo aan jirin cid si qarsoodi ah wax loo siyo.
2. Dakhliga Gudaha:
Mudane Farkeeti waxuu sidoo kale wax wayn ka bedelay dakhliga gudaha isagoo horumariyay Istiraatijiyad cusub oo lagu kordhiyo dakhliga dowladda. Hadafka Wasiirka ayaa ah in Soomaaliya ay gaarto isku-filnaansho dhaqaale oo Dowladda Soomaaliya ka maaranto dibad wax u raadsashada mustaqbalka dhow. Wasiirku wuxuu ku mayal adeegay in ilaha dhaqaalaha ee Dowladdu ay toos u maamusho Wasaaradda Maaliyadda si dhaqaalaha dowladda uu horay ugu kaco arintaan oo ugu dambaytii ku guulaystay in uu ka miro dhaliyo.
Tusaale waxaa ku fulin tusmadaan hoos ku xusan oo muujinaysa isbarbardhiga rubucii ugu horeeyay ee sanadkii 2014 iyo rubaca hadda ee 2015 dakhliga gudaha ka soo xarooday oo farqi wayn u dhaxeeyo.
Faahfaahinta | 2014Febraayo – May | 2015Febraayo – May |
Dakhliga Gudaha | $17,587,946.00 | $24,611,135.29 |
Sida shaxda ku cad dakhliga gudaha inta uu xilka haayo Mudane Farkeeti wuxuu ku dhowaad kordhay laba jibaar marka loo fiiriyo sanadkii hore ee 2014.
3. Mushaarka Shaqaalaha Radika ah:
Wasiirku wuxuu markale wax wayn ka qabtay in muddo 5-sano ah Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda aan go’in. Sida dad badani la socodaan dowladdu waxay sanadkii 2013 heshiis la gashay Bankiga Adduunka in uu kaabo mushaarka shaqaalaha rayidka. Heshiiski hore oo ku ekaa 2105 ayaa Wasiirku wuxuu ku guulaystay in uu ka dhaadhiciyo deeq bixiyaasha in muddo 5-sano ah loo ogolaado si Shaqaalaha ay si joogto ah u qaataan Mushaaraadkooda. Wada hadalkii arintaan Bankiga Adduunka lagala yeelanaayay darteed ayaa keentay in Mushaarka Shaqaalaha uu muddo afar bilood ah dib u dhaco.
Ilaah Mahadii hadda dadaalka Wasiirkeena Maaliyadda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti awgiisa Shaqaalaheena Rayidka ah waxay ku naaloon doonaa mushaar joogto ah.
4. Cafinta Daymihii Soomaaliya lagu lahaa:
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku guulaystay amaan wayna ku mutaystay dadaalkii dheeraa uu u galay in Soomaaliya, 25-sano ka dib laga cafiyo daymihii lagu lahaa oo aan laga hadlin tan iyo markii burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya. Faahfaahinta arintaan waxaad ka dheelacan kartaa link-gaan hose:
http://www.imf.org/external/np/sec/pr/2015/pr15278.htm
5. Qaab-dhismeedka Wasaaradda:
Mudane Farkeeti wuxuu ku kordhiyay Wasaaradda qaybo cusub oo aan horay u jirin kuwaas oo ku tala galku yahay sidii cilmi baaris joogto ah loogu samayn lahaa baahida dhaqaale ee uu dalku haysato. Qaybahaan cusub waxaa hogaamiya shakhsiyaad aqoon iyo khibrad dheeraad ah u leh hawlaha maaliyadda iyagoo aan lagu soo xulin xigti iyo nin jaclaysi toona. Waxaa ka mid ah qaybahan cusub mid loo yaqaano Economic Policy and Research Unit.
6. Horumarinta Shuruucda Maaliyadda:
Sidoo kale waxuu ku talaabsaday Wasiirku horumarinta shuruucda Maaliyadda ee dowladda maadama sharciyada qaar ugu dambaysay in wax ka bedel lagu sameeyo sannadadii 1960, 1970 iyo 1980kii. Ilaa iyo hadeer wuxuu ku guulaysatay in Baarlamaanka loo gudbiyo Shuruucda ay ka midka yihiin:
. Sharciga la dagaalka lacag been xalaalaynta oo loo yaqaano Anti-Money Laundering:
. Sharciga Iibka Qaranka:
. Xisaabka Xirka 2014:
. Sharicga Maamulka iyo Maaraynta Maaliyadda Qaranka oo loo yaqaano Public Financial Management (PFM):
Shuruucdaan ayaa marka ay dhaqan gal noqdaan wax wayn ka badeli doona hawlaha maaliyadeed ee dalka.
7. Xisaab Xir 3-biloodle ah:
Sidii hore si ka duwan Mudane Farkeeti wuxuu hergeliyay barnaamij saddax biloodle ah oo loogu gon-leeyahay muujinta shafaafiyadda iyo hufnaanta maamulka Maaliyadda Dowladda oo saddaxdii biloodba mar warbixin dhamaystiran oo xisaab xir ah loo gudbiyo golaha wasiirada si ay u ogaadaan habsami u socodka howlaha maaliyadda. Arintaa ma jirin Wasiir horay ugu dhiiraday oo aan ka ahayn Mudane Farkeeti.
Fillo Dhowaan Qaybta Xigta ee Wax Qabadka Wasiirka Maaliyadda.
Dr maxamed aadan fargeeto waxaan kuleenahay sidaani kuwad guul ayaan kuu rajeeynaa maashaa allah guul ayaan kuu rajeeynaa
Masha allah wasiir farkeeti kuwan iyo kuwa kabadanna waan kasugeyney ee ilaah garabkiisa hagalo
Comments are closed.