Alshabab oo Sheegtey in Maanta Weerar Ismiidaamin Ah Ay Ku Qaadey Kolonyo Ciidan Itoobiyaan Ah

0
43

Al-shabaab ayaa Sheegtay inay Gaadiid Kolonyo ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya oo ku Wajahnaa Degmada Diinsoor ay Weerar Ismiidaamin ah la beegsadeen, iyagoo sheegay inay dagaal culus kula galeen Ciidamada AMISOM.

Warbixin ay soo saartay Al-shabaab ayaa waxaa ay xustay in weerar Is-miidaaminta ah uu Maanta ka dhacday tuulooyinka; Farta-Aadan-yaro iyo Dharqo oo labaduba ku yaalla Duleedka Deegaanka Manaas ah ee Gobolka Bay.

Kooxda Al-shabaab ayaa intaa raacisay in baabuur ay Waxyaabaha Qarxa kasoo buuxiyeen oo uu Waday mid ka mid ah Xooggagooda uu isku Qarxiyay Kolonyada Gaadiidka oo ay wateen ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Illaa hadda ma jiraan Warar ka Madax-bannaan Al-shabaab oo ka Hadlaya Dagaal Dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ee Gobolka Bay oo la sheegay inuu khasaare xooggan ka dhashay.