Ciidamada Amisom oo Si Ku Tala Gal Ah Dad Shacab Ah Ugu Laayey Degmada Marka

1
64

Howlgalo ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Saaka ka Sameeyeen Xaafaddo ka Tirsan Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ay si ula kac ah ugu dileen dad tiradoodu gaarey ilaa iyo 12 ruun halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas ay fureen dishay dad badan oo ka mid ah shacabka degmadaas, Waxaana dadkan la laayay ku jiray waayeel iyo haween qaarkood ay ciidamadu qabteen iyo kuwo gudaha magaalada marayay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Marko Xasan Cumar Macallin oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa xaqiijiyay dhimashada dadka rayidka ah, inkastoo uu sheegay in tirade dhimashada ah ee uu isagu maqlay ay gaarayaan lix ruux oo ay ku jiraan laba ruux oo Walaalo ah.

Dad Goob-joogayaal ah oo ku sugan Marko ayaa u sheegay Warbaahinta inay ciidamada AMISOM si kula-tala-gal ah u toogteen dadkan shacabka ah oo 10-qof tiradooda lagu sheegay, wararka qaarna ay gaarsiinayaan 13-qof.

1 COMMENT

  1. Inaa li laahi wa inaa ileeyhi raajicuun waa musiibo tän ilaa ha u naxariisto lkn dawlada soomaalia maxeey dowlad katahay hadeey san arimahaan waxba ka qawaneeynin waa dhoor mar eey sisään u soo noq noqaneeyso yaa alaah

Comments are closed.