Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa la sheegayaa in goor-dhaweyd ay duqeymo cirka ah ka geysteen deegaanno ku dhow degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntan.
Wararka ayaa sheegeaya in deegaanka la duqeeyay uu u dhexeeyo deegaanada Gubad-xaar iyo Juungal oo qiyaastii 30-km u jira degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ay maanta diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka geysteen Gudaha Gobolka Gedo, sidoo kalena ma jiro weli war kasoo baxay dhinaca dowladaha Somalia iyo Kenya oo duqeyntan la Xiriira.
Duqeyntan ayaa imaanaya xilli dowladda Kenya ay sheegtay in 51 xubnood ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeymo ay ka geysteen deegaannno ka tirsan isla gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia.