Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ku burburtay dagaalladii sokeeye.
Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo dhagax-dhigga kadib hadal jeediyay ayaa sheegay in dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ay ku fadhido micno taariikhi ah.
Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa waxaa Madaxweynaha ka hor hadal ka jeedisay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Khadra Bashiir Cali.