Amisom oo Beenisey Iney dad Rayid Ah Ku Laayeen Shaley degmada Marka

1
40

Taliska Cidamada AMISOM ayaa iska beeniyay inay ciidankooda ku sugan degmada Marko ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ay shalay toogasho ku dileen dad Shacab ah.

War-saxaafeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in waxyeello aysan u geysan dad shacab ah, balse ciidamadooda ay howlgal ka sameeyeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

AMISOM ayaa ku sheegtay in howlgalka ay shalay gellinkii hore ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Jujuumo oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen rag Al-shabaab ka tirsan.

Taliska ciidamada Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn war-saxafaadeedkooda ku sheegay in ciidamadooda aanay dad shacab ah dilin, sidoo kalena ay ilaalinayaan Xuquuqda Aadanaha, kana reeban tahay inay dad shacab ah dilaan.

1 COMMENT

  1. aad ayaan uga xumahay dadka shacabka ah ee lagu xasuuqay degmada marka.
    waxaan halkan shacabka gobolka shabeelada hoose uGu soo gudbinayaa talo dhamaan degmooyinka tuulooyin mii iyo magaalo
    waxaad ogaa taan in dhibaataynta shacabka gobolka shabeelada hoose gaal iyo islaam laga siman yahay in dhulkiina la idinku dulmiyo oo la idinka raro la idina xasuuqo
    tusaale waxaa idiinku filan la idiima ogola in aad ciidan deegaan oo military ama boliis ama nabad ilaalin ah aad yeelataan lama ogolaa
    waxaa loogu talo galay in dhulkiina qandaraas lagu soo qaato tii oo la iskaga dhigayo in la idin ilaalinayo
    dhulkiiina beeraha waxaa laga kiray nayaa
    carabta xayawaaanku uu dhaamo ee manta ka taliya wadamadooda
    markaa qorshu hu aad ayaa uga fog yahay 12 qof oo la xasuuqay markaa ciidamada Uganda waa la soo kiraystay imika eee fadlan shacabka marka hala shaqeeyaan oo ka feejignaada si la idiin xasuuqo inta ciidamada la khiyaameeyo oo wax lagu tuuro ama la qarxiyo ayaa xaafadaha ayaa lagu jiraa ayaa la odhanayaa markaa ciidamada u sheega in la khiyaameynayo si shacabka loo laayo oo gacanta wadanka yugaandha ay ku dhamaadaan si dhulka loo ga dhexlo markaa cidii aqoonleh ee fahmi karka xikmada ka daanbaysa dagaalada shabeelada hoose ha u fashisaan dagaalada qaar ah siyaasad dhulboob iyo qaar ah dad la soo kiraystay iyo qaar alshaydaan ah marka waxaa iska leh DADKA DEEGAANKAA ALLE KU BEERAY ,aduunka dhan kama dhamaanayno markaa walaalaheen waa is naqaan ama alshaydaan afka duuban ku yimaada ama gaalo soo kiraysta nabad ilaaliyayaal iska dhiga dhulka ninkii ilaahay ku beeray ayaa leh
    NABAD BAA NAAS LA NUUGO LEH waa is aragnaa shacabow ogaada CADOWGU WAA GEESO BADAN YAHAY.

Comments are closed.