Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen odayaasha dhaqanka,salaadiinta,dhalinyarada aqoonyahanada iyo haweenka beesha Tunni (Todobo tol iyo Toore) ayaa waxay ka dhacdey Hotelka War-dheer waxaana ujeedadu ay ahayd sidii beesha ay ula ciidi lahayd Suldaankooda Suldaan Fiqi Sayid Suldaan Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.
Waxaa halkaasi warbixin ku aadan munaasabadda kasoo jeediyey Prof Aadan Cumar oo kamida aqoon yahanada beesha ee dalka dibadiisa ku noolaa,isagoo si weyn ugu mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha,wuxuuna ahmiyad weyn ku tilmamay in beeshu ay xusuusan tahay dhaqankeeda maadama ay go’aansadeen in Suldaankooda la ciidaan.
Sidoo kale waxaa halkaasi ereyo munaaabadda Ciida iyo muhiimadda ay leedahay wadajirka beesha kasoo jeediyey waxgrad iyo aqoonyahano kulanka goob joog u ahaa,iyadoo sidoo kale haweenka ay halkaasi ka sheegeen kaalintooda kaga aadan dhiirigelinta iyo horumarinta beesha Tunni guud ahaan.
waxaa hadalka qaatay Suldaanka beesha Tunni (Todobo-Toll & Toore) Suldaan Fiqi sayid Suldaan Fiqi oo si weyn ugu mahadceliyey dhamaan qeybihii kala duwanaa beesha ee munaasabaddaasi ciida soo agaasimey,isagoo fursad wanaagsan oo muhiim ah ku sheegay in beeshiisu kala qeybgallo farxadda munaasabadda ciidul-Fidriga,
Suldaanka ayaa salaadiinta Soomaaliyeed iyo Culu-maa Udiinka ugu baaqay iney u istaagaan si dhab ah samata-bixinta bulshada Soomaaliyeed,si caddaaalad loo helo,maadaama ay sii daba-dheeraatay dhibaatada dalka,isagoo balan qaaday inuu u istaagayo wixii xiligaan ka danbeeya raadinta Midnimadda Umadda Soomaaliyeed allena ka baryey inuu la garab galo.
Ugu danbeyntii waxaa uu halkaasi ugu duceeyey Bulshada Soomaaliyeed inuu Alle ka saaro dhibaatada,isagoo Soomaalida meel waliba ay joogto faray in Alle loo laabto.