Dhegeyso Gudoomiye Ku Xigeenka Dhaqaalaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo Sheegey in Aano Qabiil Loo Diley Gudomiye ku xigeenka Buulo Mareer

0
77

cabdifataaxAlle ha u naxariiste shaley gelinkii dambe waxaa magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay gudoomiye kuxigeenkii Buulo Mareer Cabduqaadir Xuseen.

Dilka ayaa sida uu sheegey gudoomiye ku xigeenka arimaha dhaqaalaha gobolka shabeelaha hoose Cabdifataax Cabdulle Yusuf waxaa uu salka ku hayaa aano qabiil ama dagaaladan daba dheeraadey ee u dhexeeya kooxaha duulaanka ku ah goobolka shabeelaha hoose iyo deegaanadiisa.

Dhanka kale warar kale oo aynu ka helney deegaanka ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystey uu hogaaminaayey Xasan Jaamici ka mid ah mooriyaanta ku labisan dareyska dowlada isla markaana ku shaqeeya magac qabiil.

cabdifataaax cabdulle

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

cabdifataaax cabdulle mobil