Wadadii u Dhexeysey Afgooye iyo Wanleweyn oo Isbaaro Darteed u Xirantey

3
266

isbaaroWarar inaga soo gaaraya degmada wanleweyn ayaa sheegaya in wadadii isku xirtey degmada afgooye iyo wanleweyn looga kala cararey isbaaro darteed taasoo kuwii horey u yiileey ay kuwo kale soo dhigteen maamulka shariif xasan.

Isbaarooyinka mid ka mid ah waxaa is kaleh ciidanka milatari gutada 6aad taasoo la sheegey iney taalo tulada sharey.

Tuulada warmaxan iyo Garas baadiyo waxaa ay ayana isbaaro u taalaa maleshiyo beleedyo kasoo jeeda beesha abgaal.

Isbaarooyin kale ayaa ayana waxaa ay is daba yaalaan taxsile, don awsuuri, ayagana waxaa ay isbvaaro u taalaa ciidamo beeleedyo ku labisan dareyska ciidanka dowlada.

Kuwii hore u yaaley ayaa waxaa isbaarooyin kaloo cusub kusoo darsadey maamulka shariif xasan ayaguna waxaa ay isbaaro dhigteen carbiska iyo lafole isbaro.

Isbaarooyinkan tirada badan ee yaala wadada isku xirta degmada afgooye iyo wanleweyn ayaa waxaa ay geysteen dhibaatooyin aad u badan oo la xiriira dhinaca ganacsiga maadaama ganacsatadii ay ku adag in ay maciishada soo mariyaan dariiqaas maadaama lacag badan halkaas looga soo furto.

Si kastaba arintu ha ahaatee gobolka shabeelaha ayaa waxaad moodaa in uu hoy u yahay isbaarada maadaa isbaarooyinka yaala gobolka shabeelaha hoose ay haatan kor u dhaafayaan 38 isbaaro kuwaasoo u kala yaala maleeshiyo beeleedyo ku labisan dareyska dowlada iyo maamulka shariif xasan.

3 COMMENTS

  1. somalidu waxay kumaahmaahdaa ninkii seexday siciisa dibi dhalay ayagaa seexday marka ruuxkasta meel fog kasoowareeray isbaaro xa.udhigto

  2. kuwan waa in lala dagaalamo hadii kale ma tegi doonaan .dil ,dhac iyo isbaaro mmoriyaanta waa waxey ku hayeen shacabka 25 ki sano ee la soo dhaafey waa in loo midoobaa lagana difaaca shacabaka si loo gaaro nabad iyo horumar..mamulka shariif xasan Wax kama qaban karo maadaama dowlada muqdisho ay shariifka ka dhigeen madaxweynaha KG,..mamulkisana la shaqeeyo dowlada taageerta kooxaha dhibka ka wada gobolka sh-hoose

Comments are closed.