Kulan Maanta lagu Qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa looga hadlay musuq-maasuq hareeyay doorashooyinka degmada Baydhabo ka socda. Waxaana kulankaan Goob-joog ka ahaa xubno ka socday Dowladda Soomaaliya, Madax-dhaqameed, culummo, Aqoon-yahanno, Qurbo-joog, Haween iyo dhallinyaro, kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur-galbeed.
Kulankan, ayaa Waxaa Hadallo ka jeediyay 0doyaal-dhaqameedyo ku Hadlayay Magaca beealaha, Handab, Abiikarow, Maama Suubis, Reer Xaaji, Ay-tiro Gol iyo Ay-tiro Ban oo dhammaantod ka tirsan Beesha Galadi, ayaa daboolka ka qaaday inay cabasho ka yihiin musuq-maasuq ay sheegeen inuu Magaalada Baydhabo ka dhacay, kaasoo ay sheegeen in Kursigoodii Aqalka Hoose lagu boobay, iyagoo ku eedeeyay gudiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed inay ergooyinkii rasmiga ahaa ku bedeleen shaqsiyaad kale oo aanay wax ka ogeyn Waxayna soo jeediyeen in Caddaalada la horkeeno dadkii fal-dambiyeedkaas ku kacay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Afgooye, Xabiibo Sheekh Cusmaan oo ka hadashay iyaduna kulanka ayaa ku nuux-nuuxsatay inay taageersan tahay cabashada ay soo jeediyeen Odayaasha-dhaqanka ee ka hadlay Kulanka, Waxayna carrabka ku dhufatay inay Doorashooyinkii ka dhacday Baydhabo ahaayeen kuwo la marin-habaabiyay, waxayna soo jeedisay in dib loogu noqdo doorashooyinkaas.
Bayaankan kasoo baxay Gaba-gabadii kulankaas ayaa looga hadlay fal-dambiyeedyadii iyo tacadiyadii ka dhacay Baydhabo, bayaankaas oo ku kala socday guddiyada doorashooyinka iyo khilaafaadka ee heer Federaal, lagu ogeysiinayay Suldaanka Galadi iyo Madaxweynaha Koonur-galbeed, ayaa looga Codsadey guddiyadaasi inay si deg-deg ah arrimahan la xiriira Musuqmaasuqii lagula kacay beeshooda.
Dhanka kale, Wasiirka Hawalaha Guud, Dib u dhiska iyo guryeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Inj. Saalax Sh. Cusmaan Muuse oo kulankaan Hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu xusay in ay lagama marmaan tahay in wax laga qabto cabashada ay qabaan waxgaradka iyo bulshada Galadi, isagoo hoosta-ka-xariiqay inay waajib tahay in Maxakamad la hor-keeno dadkii ka dambeeyay musuqa lagu sameeyay kursigoodii, isagoo Guddiga Doorashada ka codsadey in fursad la siiyo ergooyinkii saxda ahaa ee beeshaas si ay doortaan Musharraxa ay doonayaan.
Kulankaan, ayaa intii uu socday Waxaa lagu soo bandhigay Suugaan aad loo jecleystayna oo ay ka mid ahaayeen; Goog Guduud adaa lahee Geelaaga ku maalo… Waan idin goynaa gooni ayaana idinka ahaanayaa. – Musuqmaasuq Maroodi ka weyn ayaa dhacay… mana ka yeelayno Mursal inuu maroorsado xaqeenna. iyadoo erayo-suugaaneedan ku luuqeynayay laashimiin goobta ku sugnaa.
Shariifka waxaan u mamlayn jiri qof maskax leh lakiin waxaa cadaatay in uu memory card oo kale loo buuxin karo ayaan ogaanay.
ee durbaanka waa la tagtay mesha aad ku ciyaai laxeed ayaa loofadiya.
Comments are closed.