Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga oo Sheegey In Sugida Amniga Dalka Ay Ku Filan Yihiin Ciidamada Xooga Dalka

0
67

diiniWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku filan yihiin sugidda ammaanka Dalka.

General Diini, oo ka hadlayay Munaasabada tababar logu soo gabagabeeyey Cutubyo ka mid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Magaalada Kismaayo, ayaa intaa raaciyay inaanan loo baahnayn in Ciidamo kale lagu halleeyo sugidda nabad gelyada Dalka iyo dib u dhiskiisa.

Wasiir Diini ayaa ku baaqey in ciidamada shisheeye ay ka qeyb qaataan tababarida iyo kaalmooyinka keliya, balse aanay habboonayn, saxna ahayn in Cid kale marti looga noqdo laguna halleeyo dhismaha iyo difaaca Dalka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, ayaa dhinaca kale kormeer ku tagay xeryaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Magaalada Kismaayo iyo xarumaha Talisyada, wuxuuna Saraakiisha iyo Ciidanka kaleba aad ugu boorriyay in ay isku tashadaan oo ayan Dadkooda iyo Dalkooda uga seexan cid kale.