Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dadban oo Sheegey In Doorashooyinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Madaxweynahaba Ay Dhici Doonan Bisha December

0
78

cumar-dhageeyGudiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha dhici doonaan ka hor sanadka 2017, taasoo macnaheedu yahay bishan December la qabanayo doorashooyinkaas.

Avv. Cumar Max’ed C/dulle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in hadda la soo gudbiyay liisaska xildhibaanadii ugu badnaa, islamarkaana la bixin doono shahaadooyinkii iyo aqoonsigii xildhibaannada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaano badan lagu soo doortay gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya, walow ay harsan yihiin wakiilada Somaliland ee baarlamaanka.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo ay doorashooyinka dib u dhacaan balse gudoomiyaha ayaa sheegey in gomiyaha ayaa sheegey in kulan uu la yeeshey beesha caalamka ka dib ay go,aankani wada qaateen.