Wararka ka imanaya gobolka bari ayaa sheegaya in ciidammada maamul gobolleedka Puntland dib ula wareegeen gacan ku heynta degmada Qandala, kadib dagaal culus oo ay la galleen maleeshiyaad daacad u ah ururka Daacish.
Ciidammadan la wareegay Qandala ayaa taageero weyn ka hellay ciidammada badda Puntland oo duqeyn iyo madaafiic la sheegay in ay ku gaaraaceen degmada qasab ka dhigtay in ay dib uga gurtaan xoogaggii halkaa ku sugnaa.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyadoo inta badan dadkii ku noolaa magaalada Qandala isaga barakaceen kaddib markii ay la wareegeen maleeshiyaadka Daacish.
Dagaalka maanta ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee si toos ah u dhaxmara ciidammada Puntland iyo kooxaha sheegtay in ay ku xiran yihiin Daacish ee ka dagaalama qeybo ka mid ah Puntland.