Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegey in Shirkado ganacsi oo caalami ah ay dowladda Soomaaliya ay la gashay heshiisyo Maalgashi oo kala duwan.
Waxaa uu sheegay in shirkadaha qaarkood ay dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah u joojisay ka dib markii ay fulin waayeen waxyaabihii looga baahnaa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hadda shirkado badan oo ay kula jiraan heshiisyo in ay dib u eegi doonaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in shirkad kaste oo aan ka shaqeynin danaha umada Soomaaliyeed in ay joojinayso dowladda Soomaaliya.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada