Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa galay maalinkii Labaad, waxaana dood adag ay ka jirtaa Qodobada qaar oo Madaxdu ay isku fahmi la’yihiin.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa looga hadlayaa qodobadan hoos ku qoran.
1- In la cayimo Waqtiga Doorashada la soo afjarayo
2- Dhameystirka Hannaanka Doorashada Dadban
3- Da dejinta Doorashada Aqalka Hoose iyo mid Aqalka Sare
4- Xal ka gaarida muranka Puntland iyo Gobolada Waqooyi ee ku aadan Aqalka Sare
5- Qoondada Haweenka
6- Xalinta kuraasta muranka ka jiro ee Aqalka Hoose
7- In Doorashada Madaxtinimada lagu qabto sanadka 2016-ka gudahiisa
8- In la fududeeyo tasiilaadka ay Doorashada u baahan tahay