Wararka ka imanaya degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in caawa barta koontroolka baar ismaaciil ee dhaca wadada u dhexeysa magalada afgooye iyo muqdihso iney isku hor fadhiyaan ciidanka maamulka koonfur galbeed iyo maleeshiyaad uu hogaaminaayo Gaashaale Nuur Xayir Cali oo kasoo jeeda maamul goboleedka galmudug.
Is hor fadhiga labadan ciidan ayaa waxaa uu yimid kadib kolkii gudoomiyaha maamulka degmada afgoye iyo kan gobolka shabeelaha hoose ay ku baraarugeen xog qoraal ku saabsan dhaqaale aruursi beelaha duulaanka ee kasoo kala jeeda Maamul Goboleedyada Hir shabeele iyo Gal mudug ay ku hayaan gobolka shabelaha hoose xogtaas oo ay daabacdey Daafeet.com taariikhdu markey aheyd Dec 3 2016 hakaas taabo si qoraalka aad uga bogato http://www.daafeet.net/2016/12/03/aqriso-sir-ay-ka-heshey-degmada-afgooye-daafeet-media-boobka-ka-socda-degmada-afgooye-iyo-kaalinta-maamulka-shariif-kaga-jiro-boobkaas/
Ma aha markii ugu horeysey ee ay Daafeet.com daabacdo dhacdooyinka murugada leh ay ka sameynayaan kooxaha duulaanka gudaha gobolka shabeleha hoose balse talaabadan wexey noqoneysaa tiii ugu horeysey ee madaxda maamulka gobolka shabelaha hoose ku baraarugaan iskuna dayaan iney wax ka qabtaan ayadoo aan la ogeyn sida maamulka gobolka shabeleha hoose ay ugu suura geli doonto in uu maleeshiyaadkaasi uu halkaasi ka qaado.
Madaxa maleeshiyada baar ismaaciil fadhida ee caawa maamulka koonfur galbeed ay dul dhigtey ciidan ayaa horey waxaa uu u ahaa ku xigeenkii ciidamada maleeshiyaadka Cabdi Qeydiid haatana waxaa uu ku shaqeeyaa darajada ah gaashaanle ciidanka daraawiishta ayadoo sida aan la wada socono uusan maamulka koonfur galbeed uu san laheyn wax lagu magacaabo ciidan daraashiish.
Taliyaha maleeshiyo beeleedka kasoo jeeda maamulka galmudug ee caawa fadhiya baar ismaaciil Gaashaale Nuur Xayir Cali ayaa lama filaan ku noqotey talaabadan uu qaadey maamulka, kadib waxaa uu gar gaar weydiistey maleeshiyaad beeshiisa oo ku kala sugan magalalooyinka jowhar iyo muqdisho kuwaasi oo sida lagu soo waramayo ay cawaba abaabul ka wadaan magalaooyinka muqdisho iyo jowhar.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada laga soo abaabuley magalada jowhar ee caasimada maamul goboleedka Hirshabeele ay usoo dhaqaaqeen dhanka muqdisho waxaa la sheegaya in uu hogaaminaayo Mooriyaan Xasan Dhicisow oo horey u ahaan jirey hogamiyaha maleeshiyaadka Maxamed Dheere.
Halka Maleeshiyo maanta ka dhaqaaqdey magalada muqdisho uuna hogaaminaayey qab qable Maxamed Abukar Jacfar ay galabnimadii maanta gaareen baar ismaaciil kadibna ay usii dhaqaaqeen mukeyga afgooye oo ay isbaaradiisu taalo, Tegida jacfar uu maanta tegey baar ismaaciil ayaa warar kala gedisan kasoo baxayaan ayadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu halkaasi u tegey inuu gacan siiyo maleeshiyaadka beesha galmudug ee fadhida halkaas, Halka wararka qaar ay sheegayaan inuu u tegey halkaas inuu baajiyo isku dhac dhex mara labada ciidan ee halkaas isku hor fadhiya.
Si kastoo loo dhigaba isbaarooyinka yaala gobolka shabelaha hose una yaala mooriyaanta kasoo jeeda maamul goboleedyada Galmudug iyo hir shabeelahe ayaa waxaa ay u muuqdaan iney yihiin mid ka mid ahaa dhibaatooyinka ugu waawey ee xalka loo waayey ee yaala gobolka shabelaha hoose.