Kalfadhi wadajir ah oo ay maanta magalada muqdisho ku wada yeesheen xildhibaannada gollaha shacabka iyo aqalka sare ayaa ugu danbeyntii lagu magacaabay gudi qabanqaabada doorashada madaxweynaha oo ka kooban 16 xubnood.
Gudiga ayaa waxaa laga soo dhax xulay xildhibaannada labada aqal, waxaana muuqata in lagu saleeyay qaabka 4.5ka oo gollaha shacabku dhisan yahay iyo xubnaha ka yimid aqalka sare oo u muuqda in lagu saleeyay maamul gobolleedyada ay kala matalaan.