Bananbax Looga Soo Horjeedo Sicirbararka Shilinka Somaliland oo Maanta Ka Dhacay Berbera

0
49

Magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa ganacsatadu waxay gebi ahaanba albaabada u laabeen meheradihii ganacsiga iyagoo ka cabanaya sicirbarar beryahanba saameeyay nolosha guud ee dadweynaha Somaliland.

Halkii doolar ayaa maanta maraya 8400 oo shilinka Somaliland ah, halkii uu ka ahaa 7300.

Xuseen Cawil Cabdillaahi oo ah nin ka ganacsada magaalada Berbera ayaa BBC u sheegay in meheradaha ay xireen ay ka kooban yihiin bakhaarada cuntada , dukaamada tafaariiqda iyo suuqyadii kale.

Wuxuu sheegay in sababta sicir bararka keentay ay tahay iyadoo bangiga Somaliland uu suuqa ku soo daayay lacago xad dhaaf ah oo shillin ah.

Dhinaca kalena gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Jamaac Yuusuf ayaa BBC u xaqiijiyay meheradaha ganacsiga berbera ee ganacsatii xireen iyo mudaaharaad cabasho ah oo dadweyne la hortageen xafiiska maamulka gobolkaaasi.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dadweynaha banaabaxayay uu u sheegay in xukuumaddu ay si degdeg wax uga qabanayso arrinka sicir bararka oo golaha wasiirada ee Somaliland maanta shir degdeg uga fadhiyaan .