Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, ayaa sheegay qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay uu saakay ka dhacay goob ay fariisan jireen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus oo siweyn looga wada maqlay inta badan degmada, waxaana ilaa iyo hada inta la ogyahay ku dhintay 10 ka mid ah ciidamo beeleedyada ku labisan dareyska dowlada waxaana ku dhaaawacmey in ka badan 5 askari.
Maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ciidamada wali kama aysan hadlin qaraxa khasaaraha sababay ee saakay ka dhacay degmada.
Al-shabaab ayaa loo maleynayaa in ay goobta ku aaseen miinada habeennimadii xalay kadib dagaalo culus oo qeybo ka mid ah gudaha degmada ku dhaxmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo xoogaga ka tirsan Al-shabaab.