Faaffaahin Dheeri Ah oo Kasoo Baxeysa Qaraxii Saaka Ka Dhacay Hottel Dayax

0
52

Saraakiil ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray weerarkii hoteelka Dayax, waxaana jira khasaare ballaaran oo ka dhashay qaraxyada saakay dhacay iyo weerarka kooxaha dableyda ah ay ku qaadeen hoteelka Dayax.

Tirada dhimashada ayaa lagu waramyaa in ay ku dhawdahay 24 ruux, halka sidoo ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo soo gaaray dad shacab ah oo ay ka mid yihiin wariyayaal ka tirsan wakaalado kala duwan.

Waxaa inta badan bur buray dhimayaashii ku yaala ilinka hore ee hoteelka, sidoo kalana waxaa dumay goobo ganacsi oo dad rayid ah ay ku lahaayeen agagaarka hoteelka la weeraray.

Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka oo noqonaya kii ugu culusaa oo sanadkan ka dhaca magaalada Muqdisho xili loo diyaargaroobayo in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.