Faallo…Digil iyo Mirifle oo dhumin doona la sinaantii Hawiye,Daarood iyo Dir!

0
843

Iyadoo guud ahaan dalka haatan uu ku jiro xili kala guur Siyaasadeed ayaa waxaa sidoo kale dhinac socda ku xisaabtanka beelaha ay ku xisaabtamayaan saami qaybsiga awooda dalka iyadoo loo maraayo wadada 4.5 oo ay Soomaalidu horey ugu heshiisay.

Inkasta oo habkan awood qaybsiga 4.5 ku aanu ahayn nidaam 100% cadaalad ah ayaa hadana waxa uu si guud u difaacayay guud ahaan xaqa ay beeluhu u leeyihiin inay qayb ka noqdaan guud ahaa hay’adaha kala gedisan ee hogaanka dalka.

Habkan awood qaybsiga ku dhisan ee 4.5 ee ay Soomaalidu ku heshiisay ayaa waxa aad moodaa haatan in beelaha Hawiye iyo Daarood ay u xusul duubanayaan burburintiisa iyagoo u arka inuu ka hortaagan yahay inay Boobaan guud ahaan hogaanka dalka,halka haatanba ay dhaawac u geysteen habkan kadib dhismihii waxa loogu yeero Caqalka Sare oo dhismihiisaba looga dan lahaa in hogaanka dalka lagu boobo,Runtii waa ayaan-daro aad u weyn mustaqbalkana dhaawac weyn u geysan doonta geedi socodka nabada iyo wada noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed maadaama sifo khaldan iyo doonis kooxeed keentay in si khaldan looga gudbo nidaamka 4.5 oo ugu yaraan muujinayay sinaan loo siman yahay maamulka dalka.

Iyadoo talaabadan khaldani horey loosoo qaaday ayaa waxaa weli muuqda in hamiga beelaha Hawiye iyo Daarood aanu ku ekayn Boobista ay boobeen kuraasta Caqalka Sare balse ay weli dadaal ugu jiraan sidii ay uboobi lahaayeen dhamaan hogaanka dalka ayna madax uga wada noqon lahaayeen hay’adaha dalka oo idil taa bedelkeeda waxaan arinkan aan kor ku soo xusnay inaba dan ka gelin hogaamiyaayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad oo aad moodo inayan kaba war hayn Boobka iyo Dulmiga ku socdo ummadda ay sheegtaan inay metelaan.

Hogaanka Madasha Qaranku waxay ku dhiiradeen in Caqalka sare sal uga dhigaan qayb maamul goboleed,Jawaari iyo Shariif Xasan waxay ahaayeen mas’uuliyiintii golaha ku fadhiyay magaca Digil iyo Mirifle waxayna ku dhiiran waayeen inay ku diidaan Hawiye iyo Daarood fikirkooda awood boobka ku dhisan amaba ugu yaraan ku qanciyaan in ilaa dadka Soomaaliyeed laga tirinayo aan laga gudbi karin 4.5 sidoo kalena Maamulka Gobol iyo Barka ah ee GalMudugna aanu maamul Sharci ah noqon karin sidaasi si lamid ahna maamulka Axmed Madoobana ay si cad uga soo saaraan xuquuqda Digil iyo Mirifle,Intan oo khaladaad ah oo ay galeen labadan Mas’uul yaa wax iska weydiiyay?Yaase maanta ku baraarugsan in ay Digil iyo Mirifle asaagood ka reebeen?! Waa Su’aalo maanta wada taagan Jawaabna u baahan.

Bal dib u eeg Shaxda aan kor ku soo bandhigay ma waaney ahayn Boob la boobay beelaha Digil Iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad mise waa uun dhacdo si kama’ ah ku dhacday?

Ma filaayo in ay dhacdooyinkan oo dhami yihiin kuwo ku tala gal la’aan dhacay balse waa kuwo ay qorsheeyeen horjoogayaal kasoo jeeda beelaha Hawiye iyo Daarood kuwaasi oo dadka iyo dalka Soomaaliyeedba horey iyo maantaba godob uga galay wax dan ahna ka lahayn helista Cadaalad,Nabad iyo Sinaan inay Soomaalidu kuwada noolaato.

Bal eeg sida haatanba ay u boobeen xukunka dalka Afarta Hay’adood ee dalka ugu sareysa maanta.

Inkasta oo ayan dhicin doorashada Madaxweynaha waxaa hadana inoo muuqda in Madaxweynaha dalka uu kasoo dhex bixi doono mid ahaan Beelaha Hawiye ama Daarood weliba si gaar ah Abgaal ama Harti,Sidaa si maid ahna beesha ku harta tartanka Madaxweynenimana waxay heli doontaa xilka Ra’isulwasaaraha dalka,Waxaa intaa dheer oo beelahan Hawiye iyo Daarood ay kala haystaan labada gudoomiye ku xigeen Caqalka sare waxayna kasoo kala jeedaan Habargidir iyo Mariixaan iyadoo beesha Hawiyana u dheer yahay xilka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo ay ka dheceen Beesha Shanaad oo isna ka soo jeeda Sheekhaasha reer Ow-Xasan,halka beesha Direedna ay haatan haysato Gudoomiyaha Caqalka sare iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka iyadoo Beelaha Digil iyo Miriflana ku harey Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kaliya oo aan wax xil kale la socon.

Runtii waa Su’aal u baahan in la hor dhigo inta sheegata inay yihiin mas’uuliyiin masuul ka ah labadan beel si ugu yaraan aanay beri u helin marmarsiyo ay shacabka ku beer laxawsadaan.

Su’aal kama taagna Shakina kuma jiro in dhamaadka xiligan kala guurka ah ay beelaha Digil iyo Mirifle dhumin doonaan 50% saami qaybsiga hogaanka awooda dalka halka Beesha Shanaad(Jareer,Gibil Cad iyo Beelaha la heybsooco) ay guud ahaan dhumin doonaan intii ay ku heli jireen awood qaybsiga 4.5..

Qalinkii Abdiaziz ShSalah.