Kooxda Alshabab oo Maanta Qarax Ismiidaamin Ah La Beegsadey Hoteel Dayax

0
114

Warar ka imanaya ayaa sheegaya in subaxnimadii saaka kooxo ka tirsan Alshabab ay weerar ku qaadeen Hoteel Dayax oo ku yaala magalada muqdisho.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gudaha u galeen hotelka isla markaana ay ka dhex dagaalamayaan gudaha hotelka.

Goobta ayaa waxaa soo buuxiyay ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo la dagaalamaya dableyda gudaha u gashay hoteelka, sidoo kalana waxaa halkaa gaaray gadiidka gurmadka deg deg ah, madaama weerarka uu ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Khasaare ballaaran ayaa lagu waramayaa in weerarka uu ka soo gaaray ciidamada iyo dad rayidka ah intaba, madaama halka uu qaraxa ka dhacay ay ku yaalleen goob ganacsi oo aad u mashquul badan.