Taliyaha Guutada 60-aad ee Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya Axmed Maxamed Cali “ Afcadeeye “ ayaa Ciidamada ilaaliya madaxtooyada ugu baaqay iney muujiyaan asluub wanaag iyo dulqaad marka ay shaqada ku jiraan.
Waxa uu sheegay in Wasiirada iyo Xildhibaanada soo booqanaya Madaxtooyada qaranka iney si wanaagsan ula dhaqmaan oo aysan ku xadgudbin.
Waxa uu sheegay in sidoo kale Ciidamada loogu baahan yahay iney si degan u dhageystaan qeybaha kala duwan ee bulshada marka ay arrin ka soo yeeshaan Madaxtooyada.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada