Baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa -banaan la dagaalanka Musuqmaasuqa kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannada magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxa- banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana ogolaaday 141 xildhibaan, ma jirin xildhibaano diiday iyo kuwa ka aamusay intaba.
Sharcigaan ayaa waxaa horay u soo gudbisay Wasaaradda Cadaalada waxa uuna yahay mid muhiim u ah in laga hortago musuq maasuq oo ay dowladda ka socon la’aday maadaama masuuliyiinta qaarkood lagu eedeynayo.
Si kastaba arintu ha ahaatee musuqmaasuqa baahay ee ka jira dalka somaliya ayaan aheyn mid ku kooban madaxda sare ee dalka taasna wexey qadan doontaa mudo dheer si umadaan ay uga gudubto musuqmaasuqa.