Daawo Xildhibaan Cabdifataax Geesey oo Maanta Tegey Magalada Baydhabo

2
56

Xildhibaan Cabdifataax Geesey oo ka mid xildhibaanada dowlada federaalka somaliya ayaa maanta tegey magalada baydhabo isagoo sheegey in uu kulamo la qaadan doono dhamaan ururada bulshada iyo masuuliyiinta maamulka koonfur galbeed.

Cabdifataax ayaa wuxuu sheegey in uu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisey maamulka 3da gobol ee uu hogaamiyaha ka yahay Shariif Xasan kadib kolkii ay tanaasulaad badan ay sameeyeen isla markaana uu doonayo in maamulkaasi uu noqdo maamul la hana qaada maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

2 COMMENTS

  1. ACWW.
    Dhamaan akhristayaasha iyo dhamaan dadka booqda webkan, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada Koonfur-Galbeed, yaan lagu farxin laguna deg-degin xil ka qaadista Shariif Xasan waqtigan xasaasiga ah, ee waqtigiisa ha lala sugo, isaga ayaanba fogaynee, ee haloo diyaar garoobo wixii lagu bedeli lahaa, iyo cidii bedeli lahaydba, haddiiba la heli karo cid ay ka daacad tahay hoogaaminta umadda oo dano gaar ah, dulaalnimo, amaba magac ka raadsasho aanan ka ahayn, oo hanan karta howsha baaxadda weyn ee maamul goboleedka horyaala, kana badbaadin kara dibin daabyada loo maleegay iyo kuwa kusoo fool lehba, ilayn dibin daabyada lala maagganaa, welina lala maaggan yahay maamulka fari kama qodnee.

    Waxaan leeyahay ha laga fiirsado arrimahan inta goori goori tahay, hadhowse yaan laga shalayn, waqti ay XEERO iyo FANDHAAL kala dheceen, oo maamulkan bur bur iyo kala tag halaga ilaaliyo. Waxba wax bay dhaamaaane, yaan la deg degin. Marka wax la dhiso, gaar ahaan maamul ama hay’ad bulsho ama umad mustaqbalkeeda lagu dhisaayo, waxaa loo huraa waqti, feker, muruq iyo maal lagu sugo aasaaska jiritaanka, si loo gaaro ujeeddooyinka iyo himilooyinka maamulkaa ama hay’addda umadeed.

    ISKA JIRA!!!

Comments are closed.