Daawo Xildhibaano Ka Tirsan Koonfur Galbeed oo Si Mushaarkooda u Helaan Moshinkii Ka Noqdey ”Yaab”

0
87

Xildhibaanada maamulka koonfur galbeed ayaa maalmahanba intooda badan waxaa ay ku mashquulsanayeen sidii mooshin looga soo gudbin lahaa hogaamiyaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Adan.

Shariif Xasan ayaa si uu uga hortago mooshinkaas waxaa uu shaley magalada baydhaba ka sameeyey fal xadgudub ku ah xuquuqda shaqaalaha iyo xuquuqda xildhibanada baarlamaanka koonfur galbeed taasoo aheyn mishaar ay sugayeen mudo 4 bilood ah in uu u diido in uu siyo kooxaha mucaaradka ku ah.

Arintaai ayaa wexey dhalisey in qaar ka mid ah xildhibanadaasi si ay u helaan mushaarkooda iney kasoo baxaan dhinaca mucaaradka isla markaana lagu qasbey ay intey warbaahinta fariistaan sheegaana iney ka noqdeen arinkii ku saabsanaa mooshinka.

Si kastaba arintu ha ahaatee xildhibanada koonfur galbeed ayaa inta badan jirin wax qadiyad ah oo ay meesha u joogaan wexeyna mar walba danta guud ka hor mariyaan mida gaarka ah taasin wexey keeni doonaa dib u dhaca ay hada ku jiraan shacabka koonfur galbeed inuu sii laba laabmo.