Dadweynaha reer Somaliland ayaa hiirtii waaberi u dareeray codeynta doorashadda madaxtooyadda ka dhacaysa Somaliland, taas oo loo qorsheeyey in bisha November 13-keedda ka dhacdo.
Guud ahaan shacabka Somaliland ayaa sii weyn oo qiiro ku jirto usoo wada baxay, kuwaas oo safaf aad u dhaadheer u galay sidii codkooda u dhiiban lahayeen, waxaana dadka qaar ii sheegeen in xalay habeen badhkii ay safka sii galeen, qaarkoodna salaadii subax ku tukadeen oo ay sidaas safka ku galeen.
Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in dhamaan gobolada ay sifiican uga bilaabantay codeyntii, waxaana si rasmiya loo furay goobaha codeynta toddobadii subaxnimo.
Si kastaba ha ahaatee, jawiga ay codbixintu ku bilaabantay ayaa ah mid degan, isla markaana dadku aad ugu soo baxeen, iyadoo lagu qiyaasay dadka codeynaya in ka badan toddoba boqol oo kun oo coodbixiye.