Reysulwasaare Kheyre oo Sheegey in Marnaba Aan Dhexdhexaad laga Noqon Karin Marxalada Dalku Marayo

0
58

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay ka qeyb gallay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan marnaba dhaxdhaxaad laga noqon karin marxalada uu maanta dalku marayo.

Isaga oo la hadlayay dadkii ka soo qeyb galay munaasabada oo ay haweenka Soomaaliyeed ku muujinayeen sida ay u barbar taagan yihiin ciidamada qalabka sida ayuu sheegay ra’iisal wasaare Kheyre in dowladdu marnaba raali ka noqon doonin dhaqamada Al-shabaab iyo dadka dowladda ka soo horjeeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku darray in dadka ka soo horjeeda dowladda iyo Al-shabaab waxba ku kala duwaneyn, waxaana uu intaa raaciyay dhamaan laga wada shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa sharaftii Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan khudbad uu ka jeedinayay kulan dadweyne oo lagu qabtay magaalada Muqdisho sheegay in shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda aheyn kuwo hadda soo bilaawday.