Madaxweynahii dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa lagu soo warramayaa in xabsi guri la galiyay, kadib markii Militariga ay la waregeen awoodda dalkaas.
Dhawaqa hubka culus ayaa laga maqlayay qeybo kamid ah caasimadda dalkaas ee Harare, sidoo kale ciidammada ayaa la wareegay xarunta talafishanka qaranka (ZBC).
Madaxweynaha koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xaqiijiyay bad-qabka Mugabe, isagoo xusay inuu kula xiriiray qadka taleefanka.
Khilaaf ayaa soo kala dhex galay madaxda iyo taliska ciidanka dalkaas kadib markii Mugabe uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii, taasoo uu ka hor yimid taliyaha ciidanka Generaal Constantino Chiwenga.
Sidoo kale waxaa horey u jiray tuhun ah in Mugabe uu qorsheynayay in xaaskiisa Grace Mugabe uu u diyaarinayay inay noqoto madaxweynaha isaga baddeli doonto.
Waxaa jira warar isa soo taraya oo ku saabsan xiisadda ka taagan dalkaas.