Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Maanta Booqasho ku Tegey Degmada Baraawe

0
59

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo halkaasi shacabka kula hadley ayaa uga mahad caliyey sida sharafta leh oo ay usoo dhaweeyeen.