Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqey iney kasoo guuraan degmada badhaba isla markaana usoo guuraan degmada baraawe ee gobolka shabelaha hoose.
Khayre oo shalay booqasho ku tagay Baraawe ayaa sheegay ujeedka uu u tagay Baraawe inuu ahaa sidii loo dhiirgalin lahaa shacabka halkaasi ku nool iyo sidii loo dhagax dhigi lahaa ilaha muhiimka ah ee degmadaasi.