Ururka Midowga Africa oo Ka Hadley Xaalada Dalka Zimbabwe

0
72

Ururka midowga Africa ayaa waxa ay sheegeen in la wareegida ay militariga la waregeen awoodda Zimbabwe ay tahay afgambi.

Bayaan uu soo saaray madaxa midowga Afrika, Alpha Conde oo sidoo kale ah madaxwaynaha Guinea ayaa ugu baaqay ciidamada Zimbabwe in ay tilaabooyiinka ay wadaan ay joojiyaan.

Militariga Zimbabwe ayaa beeniyay in ay sameeyeen afgambi militariga waxa ay sheegeen in ay bartilmaameedsanayaan dambiilayaal ku hareereysan madaxwayne Robert Mugabe.

Madaxwaynaha Koonfur Afrika ,Jacob Zuma, ayaa sheegay in Mr Mugabe uu u sheegay in uu xabsi guri ku jiro.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhamaan dhinacyada dalka Zimbabwe in ay is xakameeyaan.