Shirkii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka soconaya magaalada Muqdisho.
Waxaa shir guddoominaya ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,iyadoo looga hadlayo howlaha horyaala Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa lagu waday in maanta kulankaas uu ka furmo magaalada Baydhabo, balse waxaa dib u dhac uu ku yimid in shirka uu ka dhoco Baydhabo aydoo loo aaneynayo in halkaasi aysan ka jirin xasilooni siyaasadeed maadama ay jireen beryahan xildhibaano mooshin ka wadey Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Si kastaba arintu ha ahaateen siyaasada maamulka koonfur galbeed ayaa noqotey mid aan sal adag ku fadhin tan iyo maalintii xilka loo magacaabey Shariif Xasan ayadoo haatan ay kasoo wareegatey magacaabistiisa mudo 3 sanadood ah.