Xisbiga Wadani ee Somaliland oo Xanibey Wadashaqeyntii Gudiga Doorashooyinka

0
174

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen gudida doorashooyinka Qaranka.

Xisbiga WADANI ayaa sheegay inay cabashooyin badan oo ay u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinku iska dhago mariyeen ay go’aan sadeen inay joojiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen Komishanka Doorashooyinka.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu ku war gelinaynaa dhamaan wakiilada xisbiga inay hakiyaan wada shaqaynta guddida doorashada inta xisbigu go,aan ka soo saarayo, xisbiga ayaanu wakiil ka nahay shaqo ayaanan wakiil uga nahay, shaqadaasi haday u socon waydo si sax ah go’aanka kama dambaysta ah waxa iska leh madaxda xisbiga, laakiin waxaanu cadaynaynaa inaanan sii wadi Karin shaqada madaxduna ay go’aan ka gaadhi doonto.”

Guddida doorashooyinka ayaa laga sugaya jawaab ay ka bixiyaan go’aanka xisbiga WADANI soo jeediyey, iyadoo ilaa hada socoto tirintii sanaaduuqda oo dib loo hubinayo, iyado gobol walba dib loo hubinayey si xisbi walba loo qanciyo.