Banaanbaxyo Rabshado Wata oo Xaley Ka Dhacay Magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Hargeysa

0
69

Magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Hargeysa ayaa xalay waxa ka dhacay mudaharaado lagu taageerayo xisbiga WADANI,islamarkaana lagu eedeyanyo Komishanka Doorashooyinka.

Xaafado ka tirsan galbeedka Burco, Ceerigaabo iyo bariga Hargeysa ayaa Taayiro ku gubay wadoodinkaa, haseyeeshee Ciidanka Amniga ayaa markiiba dadkii kala dareeriyey, waxaanay la maqlayey rasaas ay ciidanku kor u ridayeen oo ay dadka ku kala dareerinayeen.

Dadkan gadoodsan ayaa waxyeelo u gaystay dhismayaal iyo dad shacab ah, kuwaas oo dhagaxaan la dhacay, iyadoo la sheegayo in ilaa dhowr qof ku dhaawacmeen rabshadahaasi.

Dhinaca kale, taliyeyaasha ciidanka Amniga oo xalay sida wada jir ah u hadlay ayaa sheegay in aanay cidna uga gabanayn in nabadgalyadda la waxyeelo,islamarkaana aanay qofna ka sarayn sharciga, waxaanay shacabka ku adkeeyey in la adkeeyo nabadgalyadda, sidaas darteedna aan cidna laga yeeleen in ay nabadgalyadda waxyeesho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen:C/laahi Fadal ayaa sheegay in xaafado kooban oo dhawr magaalo ah oo rabshado ka dhaceen markiiba la joojiyey, waxaanu yidhi “Buuq baa ka bilaabmay dhawr goobood, Burco, Hargeysa, iyo Ceerigaabo.