War Deg-Deg ah:Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose oo Xil kaqaadis loo Diyaariyay kadib kolkii…..

1
114

Warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka kala helnay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxay ku waramayaan in Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynaayo inuu xil ka qaadis ku sameeyo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Ibraahin Aadan Cali Najax maalmaha soo socda.

Xogtan Daafeet.com ay la wadaageen xubno aad ugu dhow Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxay daaha ka rogaysaa in qorshaha Xil ka qaadista Gudoomiye Ibraahin Aadan Cali Najax timid kadib kolkii sidaa uu ka dalbaday Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Ku simaha Ugaaska beesha Gare Nuur Shuukoow Jibriil oo haatan ku sime u ah Ugaaska guud ee beesha Gare Ugaas Aadan Ugaas Cali(Aadan Baniin).

Nuur Shuukoow Jibriil ayaa maalin-nimadii Arbacada waxa uu gaaray magaalada Baydhabo isagoo ka amba baxay magaalada Muqdisho,Waxa uuna kulan fool ka fool ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Goobjoogayaal kulanka qayb ka ahaa ayaa waxay inala wadaageen in Nuur Shuukow uu Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan u sheegay in aanu isaga qayb ka ahayn Shir ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin Madaxda dhaqanka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo Qurbajoogta kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo looga hadlayay mustaqbalka gobolka.

Sidoo kale ayaa Nuur Shuukow waxa uu goobta cafis ku weydiistay Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu ka cafiyo khaladaad uu sheegay inuu horey uga galay isagoo sidoo kalena u sheegay Shariif Xasan in Shirkan ka dhacay Muqdisho iyo Howshiisuba ay wadaan Suldaanka Beesha Begedi Suldaan Buuwe Cabdule Buuwe iyo Suldaan Warsame Caliyow Ibrow Suldaanka beesha Jiido isla markaana maamulkiisa looga soo horjeedo halka uu Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Ibraahin Aadan Cali Najax uu sheegay inuu qayb ka yahay kulamada loga soo horjeedo Siyaasada Shariif Xasan ka socda Muqdisho sidaas daraadeedana uu door bidaayo in Xil ka qaadis lagu sameeyo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Ibraahin Aadan Cali Najax laguna bedelo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka KoonfurGalbeed Maxamed CabdiRaxiim Nuur.

In kasta oo aan si dhab ah loo ogayn go’aanka uu Madaxweynaha Maamulka KoonfurGalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka qaadan doono soo jeedinta Nuur Shuukoow Jibriil ku simaha Ugaaska beesha Gare ayaa waxaa hadana hubaal ah inuu jiro Culays aan la dhayalsan karin oo Shariif Xasan Sheekh Aadan kasoo wajahaya Qaybaha kala gedisan ee Bulshada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose kuwaasi oo haatan Maamulka Shariif Xasan qaati ka jooga, Sababtan daraadeedana ay suuragal u tahay inuu Shariif Xasan ogolaado codsiga Nuur Shuukoow isla markaana uu Isbedel ku sameeyo maamulka gobolka Shabeelaha hoose si uu u kala jebiyo midnimada haatan ay muujiyeen qaybaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose ayna hormuud ka yihiin Madaxda dhaqanka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo Qurbajoogta.

Looganow looba jooge.

Xafiiska Daafeet.com
Baydhabo.

1 COMMENT

  1. Warkaas ma Jiro lakin in ay lacag ku dagaaleen waa la soo sheegay malaqyada iyo dubabka DM waa baahan yihiin inta badan Xassan Adan wuxuu u tagan yahay in bilkooda bixiyo waa in la Helmand dad boskiisa buxiya

Comments are closed.