Kenya oo ka dagaallameysa dhimista ciidanka AMISOM

0
86

Dowladda Kenya ayaa ka codsaneyso Qarammada Midoobay inay ka laabato qorshaha ay ku dooneyso dhimista ciidammada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo kuwa Kenya ay qeyb ka yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in xasilloonida Soomaaliya ay furo u tahay deganaashaha  Kenya iyo guud ahaan gobolka, sidaa dardeed ay Kenya mar garab taagan tahay Soomaaliya.

Waxey sheegtay in dowladaha ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliyaba ay ka codsanayaan Qarammada Midoobay inay dib u eegis ku sameyso go,aankaas, tan iyo inta laga guuleysanayo kooxda Al-shabaab oo wali deegaanno qaar uga sugan Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshe la doonayo in lagu dhimo ciidammada nabad ilaalinta midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya.

Waxaa dhinaca kale socda dadaallo lagu doonayo in ciidammada Soomaaliya ay helaan tababarro ku filan si ay ula wareegaan amniga dalka.