Laba nin oo ka tirsan horjoogeyaasha Al-Shabaab ayaa lagu daray liiska dadka la baadi goobayo ee ka tirsan kooxda sidaasi waxaa sheegtay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Cabfifataax Abuukar Cabdi iyo Axmed Iimaan Cali ayaa lagu eedeeyay inay fuliyeen weerarro iyo in ay dagaal yahanno ay u qorayeen Al-shabaab.
Axmed Iimaan Cali ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerar 2016-kii lagu qaaday saldhig ay ciidammada Kenya ku lahaayeen degaanka Ceel-cade ee Koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu dagaal yahanno Kenyan ah u qoro Al-Shabaab.
Cabfifataax Abuukar Cabdi ayaa isagana lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerar dad ay ku dhinteen oo 2014-kii lagu qaaday magaalada Mpeketoni ee gobolka Xeebta Kenya.
Waxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in Cabdifataax iyo Axmed ay imika ku sugan yihihiin gudaha Soomaaliya.