GUdoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somaliya oo ka Hadley Hishiiska Lagu Dhisi Doono Villa Hargeysa iyo Golaha Shacabka

0
80

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay heshiis cusub oo ay la saxiixdeen dowladda Turkiga kaas oo lagu dhisaayo xarunta KMG ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay hadda ku shaqeeyaan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskaas lagu dhisaayo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan uu qaadanayo muddo gaareysa 5 bilood isaga oo xusay in kaddibna la dhisaayo Xarunta Guriga Umadda ee uu Baarlamaanka leeyahay.

Gudoomiye Jawaari ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay dhismaha xarunta cusub ee Golaha Shacbiga.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya