Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Furey Kalfadhigii 3aad ee Labada Aqal

0
61

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhiga 3-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanla Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad Ballaaran oo uu kaga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya, isagoona sheegay in Muddadii yareyd ee ay jirtay Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay in ay waxbadan qabteen.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in jiraan hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan Shabaab, kuwaa soo isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo oo ka hadlayay waxqabadda Xukuumadda ayaa sheegay in sare loo qaaday daqliga soo gala Soomaaliya, islamarkaana lagu guuleystay soo wareejinta maamulka Hawadda Soomaaliya.