Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay soo gaarayeen dacwado iyo cabasho uga imanayay Maxkamadaha iyo Garsoorka dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed hellaan Garsoorka iyo Cadaalad lagu kalsoonaan karo, madaama Cadaalladu ku xiran tahay hormar laga sameeyo dhinacyada Amniga iyo xasilinta dalka.
Muddo dheerba waxaa soo jiitamayay dhaliilo iyo eedeymo dusha looga tuurayay habka ay shaqeeyaan laamaha Garsoorka iyo Maxkamada dalka, gaar ahaan dacwadaha la xiriira muranka dhulka oo dhibaato weyn ay ka taagan tahay.
Ma aha markii ugu horeysey oo uu madaxweynaha sheegayo in wax laga qabanayo garsoorka dalka dhowr jeer oo hore ayuu sidan oo kale ugu dhawaaqay in garsoorka musuqa hareereeyey ee ka jira somaliya uu wax ka qaban doono.