Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo warbaahinta kula Magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray Ganacsatadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in qaarkood ay lacag siiyaan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Ganacsatadda garoomada Muqdisho aysan xiri karin, islamarkaana cidii qaadata Amarka Al-Shabaab in laga qaadi doono tilabaabo.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsatado Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab.
Waxaa uu xusay in garoomadda Muqdisho oo dhawaan ay xireen Al-Shabaab in uu ku baaqayo in la furo, maadaama Al-Shabaab aysan ka talin Magaalada Muqdisho.