Xildhibanada Aqalka Sare oo Maanta Ka Doodi Doona Arimaha Dp World

0
69

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta Kalfadhiga 3aad kulankiisa koowaad ku yeelanayo xarunta ay ku shiraan ee magaladda Muqdisho sida qaar ka mid ah xildhibaannada u sheegeen warbaahinta.

Kulanka maanta ee xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr Ajande waxaana ugu weyn xeerka dhowrida gobonimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel mariyeen islamarkana dalka looga mamnuucay Shirrkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga-Imaaraadka Carabta.

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan xeerka oo kadibna loo gudbin doona madaxweynaha.

Dhinaca kale Xubnaha Aqalka Sare ayaa daba gal ku sameyn-doona weerarkii bishii December ee sanadkii 2017da lagu qaaday Guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.