INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJACUUN

0
132

Waxaa maalintii shalay ku geeryooday magaaladda Dubai/UAE Marxuum Amb. Muxammad Sheikh Xasan (Tuni). Ku dhashay magaalada Afgooye.

Wuxuu ahaa nin taariikh dheer ku leh waddanka Soomaaliya, jagooyin badan soo qabtay dalka Somaaliya kana mid ahaa safiiradii ugu horeeyay dalka Soomaaliya.

Adeer Mohamed wuxuu waxku soo bartay dalka Talyaniga kama mid ahaa dhalintii ugu horeeysay ee loo soo tababaro dhanka diplomacidda 1954. Wuxuu ka mid ahaa Danjire-yaashii ugu horreyey la magacaabay markii dalka xorriyad qaatay 1960kii . Dalal badan ayuu Soomaaliya wakiiil ama safiir ugu soo noqday sida Roma iyo London.

Wuxuu kaloo ahaa la taliyaha arimaha dibada Madaxwayne Aden Osman Cade iyo madaxdii kale ee ka dambeeysay ee dalka xukumeeysay.

Amb. Mohamed Sheikh Hassan, markii uu xukunka la wareegeen ciidankii xooga dalka codsi ka yimid madaxwaynaha UAE Sheikh Zaid bin Sultaan Al-Nahyaan wuxuu ka codsaday marxuun Madaxwayne Mahamed Siyaad Bare in uu la wareego Amb. Mohamed Sheikh Hassan Tuni si uu u noqdo la taliyaha boqorka Abu Dhabi dhanka diplomasiyadda asagoo noqday La-taye Dawladda Imaaraadka, gaar ahaan wuxuu ahaa lataliya Sheikh Zayed arimaha dibadda. Maadaama ay ahayd waagaas Emaratiga dowlad cusub oo aan lahayn aqoonyahano ku filan.

Sanadihii ugu dambeeyey wuxuu ku noolaa Imaaradka Carabta. Ayadoo Dawladda Imaraadka gelisay diwaanka hawl-gabka (Pensioner). Wuxuu ahaa adeer Amb. Mohamed xaafidul Qur’aan. Kuna hadka luuqado badan. Wuxuu ahaa marxuunka diplomasiyiintii Soomaalida ugu waaweynad.

Allah u naxriisto, dembigiisa dhaafo, kana waraabiyo janatul Fardowsa. Samir iyo imaan Allah ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa oo dhan.

Wuxuu ahaa qof sharaf iyo mudnaan ku leh dalka Soomaaliya, taas awgeed waxaan u tacsiyeeynayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Allaahuma Aameen…